Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa qabatay Dawcad lagu soo oogay Madaxda Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA oo salka ku heysa Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax.
Dacwadan ayaa si toos ah kiiska maqnaansha Ikraan Tahliil loogu eedeeyay Agaasimihii xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji, Agaasimaha uu Farmaajo u magacaabay Yaasiin Faarey, C/llaahi Kulane Jiis iyo C/qani Diirane (Wadna-qabad) oo ka tirsan hay’adda NISA.
Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay inay qabatay dacwadda, waxaana Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada la filayaa inay soo saaro amar Maxkamadda looga yeerayo afarta eedeysane.
Fahad Yaasiin ayaa dalka ka maqan, mana cadda inuu kusoo laaban doono iyo inkale, laakiin waxay muuqata inuu kiiska Ikraan Tahliil weji cusub galay, iyadoo Maxkamadda ciidamada oo markii hore caqabado la hordhigay ay arrintan dhaqaajin doonto.

HOOS KA AKHRISO


