Dacwadda ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya.

Siyaasiyiinta dhistay xisbiyadda aan weli sharciga ahayn iyo musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa dacwad gaarsiiyay Maxkamadda Sare ee dalka iyagoo ka dalbaday inuu Xasan Sheekh Maxamuud xilka si KMG ah ugu wareejiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan marka uu dhammaado xilligiisa oo ku eg 10-ka Bisha September, 2016.
Siyaasiyga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Qoraalka dacwadda oo Maxkamadda Sare ee ay u gudbiyeen Maxkamadda Sare ay doonayaan in sharciga loo raaco xil wareejin uu sameeyo madaxweyne Xasan Sheekh sida ku qoran Dastuurka KMG ah.
Lama oga sida Maxkamadda Sare u qaadi doonto dacwadan iyadoo lagu eedeynayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dr. Ibrahim Iidle Suleymaan inuu keensaday Xasan Sheekh oo aanu lahayn awood uu Xasan Sheekh sharci ku qaado, horena waxay uga gaabsatay dacwad kale oo xisbiyada u gudbiyeen kuna saabsanaa xayiraad wasaaradda amniga ku soo rogtay shirarka lagu qabto Hoteelada Muqdisho.
Wadani.com