Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha [Qormo Xasaasi ah & Yusuf Garaad]

    Dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha [Qormo Xasaasi ah & Yusuf Garaad]

    December 13, 2018Updated:December 13, 20184 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mas’uul ma jiro, iyo muwaaddin kale toona, ka sarreeya sharciga dalka.

    Waddanka adduunka ugu muruqa weyn jeebkiisuna ugu gun dheer yahay waxaa hadda ka socda baaritaan laga doonayo in uu ka jawaabo in Madaxweynaha iyo kooxdiisu ay si sharci darro ah ku heleen kursiga iyo in kale. Qareenkii Madaxweynahana xabsiga ayaa loo taxaabay.

    Markaa ma qabo, marnabana kuma talinayo in Madaxweyne ama mas’uul kale uu isku dayo in uu ka sare maro sharciga dalka u yaalla.

    Aniga oo afeeftaas hor marsaday ayaan jecelahay in ra’yi shakhsi ah aan ka dhiibto mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaheenna.

    Waxaan inta badan maqlaa Siyaasiyiin xukuumad kasta oo ay ka maqan yihiin, muddada ay ka maqan yihiin, si ba’an u mucaarada sidii oo ay tahay middii ugu xumeyd ee abid na soo marta, haddii aan la ridinna uu dalku dib u noqon doono.

    Waxaa kuwaas u jawaaba qaar xukuumad kasta oo ay ka tirsan yihiin, muddada ay ku jiraan, afka ugu ekeysiiya middii la sugayay ee dalka ka saari lahayd dhibka.

    Labada dhinacba waxaan ku arkaa mas’uuliyiin aan qaarkood uga haya sababo ku xeeran oo ka yeersiinaya waxa ay ku hadlayaan.

    Uma gelayo waxa ku qoran mooshinka oo ma baarin, cid kale oo aan ku qanco oo baartayna ma arko. Sidoo kale uma gelayo sharciyadda ama la’aanteed uu ku saleysan yahay mooshinku.

    Uma gelayo qiimeynta waxqabadka Dowladda oo aan dhaliil la’ayn laakiin tallaaboyin horumar ah oo la taaban karo ku tallaabsatay.

    Waxaan rabaa hal dhinac oo yara xasaasi iigu muuqda in aan iftiimiyo si talada loogu darsado.

    Xilalka siyaasadda ee dalka marka laga reebo Aqalka Sare, waxaa lagu qeybsaday hab qabiil ayada oo Soomaalida loo kala saarayo shan qabiil.

    Shanta qabiil midkiis aad ayaa loo duudsiyay oo xataa lama qeyb aha afarta kale. Taas waxaa lagu saleyay mala’awaal ah in ay inta kale mid mid uga tiro yar yihiin.

    Caddaalad darrada koowaad uguna weyni, malahayga, waa middaas.

    Dhanka kale afarta qabiil waxaa jira xeer aan u qorneyn ase ay ku dhaqmaan. Inkasta oo aan hibo iyo xataa qabiil la isu siin, laga soo billaabo maalintii aan xornimada qaadannay, laba qabiil oo keliya ayaa Madaxweyne ka noqday dalka. Marka ay doorasho joogto iyo xataa halkii mar ee ay afgembi militeri ahayd waxaa shabaqa u dhigtay siyaasiyiin labadaa reer ah. Tan militerigu inkasta oo ay hal mar ahayd, haddana waa ay daba dheeraatay oo waa middii ugu wakhtiga dheereyd.

    Labadaas qabiil oo siman ayaad haddana mooddaa in ay sii kala mudan yihiin.

    Labada qabiil midkood, Madaxweyne kasta oo la doortay waxaa uu fursad u helay in marka uu xilligiisu dhammaado sidii ballanku ahaa uu kursiga dib ugu tartamo, marka uu waayana uu xilka si nabad ah ku wareejiyo.

    Madaxweynayaasha ka soo baxay qabiilka kale, midkoodna weligii fursad looma siin in uu xilligiisa dhammaysto, oo uu doorasho galo, xilkana nabad ku wareejiyo maaddaama aan Soomaaliya weli mas’uul Madaxweyne soo noqday aan mar labaad la dooran.

    Waxa keliya oo taa weydaaran waa Madaxweynihii Militeriga ahaa oo wakhtigiisu aad u dheeraaday aakhirkiina dagaallo jabhadeed oo lagu hoobtay iyo kacdoon shacab oo is kaashaday ay meesha ka saareen.

    Maanta oo Madaxweynaha xilka haya muddadii loo doortay aanay kala bar gaarin ilama qummana isku dayga ah in Madaxweynaha maanta lagu daro liiska Madaxweynayaasha rabitaankooda uga tegin xafiiska.

    Dooddeydu ma ahan in ay dhan walba ka eegtay dacwadda oo ay soo gunaanadday, ama ay tahay fikirka keliya ee laga qabi karo.

    Ma aha wax qurxoon oo dood lagu saleeyo, laakiin xaqiiqada aan qorneyn ee siyaasadda Soomaaliya ee 2018 ayaa sidan qoreysa.

    Waanan ogahaya aragti dooddeyda lid ku ah in la keeni karo, oo sannadkan nuskiisii hore nin aan arrinkaan ka sheekeysannay wuxuu igu yiri, ‘kala daa waa Madaxweyne iyo waa loo turayaa’.

    Laakiin muhiim ayay iila muuqataa in taariikhdan lagu darsado sawirka guud.

    Xagga sharciyaddana marka hore ayaan ka afeeftay sababta oo ah ma haysto awood aan uga daba tago eedeymaha duulaya ee weerarka iyo rogaal celiska ah guntoodu waxa ay tahay.

    W/Q: Yuusuf Garaad Cumar
    Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somalia

    Farmaajo Mooshinka madaxweynaha Yusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Madaxweynaha Eritrea oo si weyn loogu soo dhoweeyay Caasimadda Somalia
    Next Article Mukhtaar Roobow oo loo gacan geliyey Ciidamada NISA, lagana dejiyey Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo