Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta dib u bilowday Dhageysiga dacwadda u dhaxaysa Xisbiga Himilo Qaran iyo Hey’adda Duulista rayidka ee xukuumadda Soomaaliya, iyadoo ay dood adag ka dhaxeyso qareenada labada dhinac.
Doodda ayaa ku bilaabatay dacwadda laba dhinac, waxaana garyaqaanka dowladda uu sheegay in dacwadda xisbiga Himilo ay ku dhisan tahay fowdo sharci, isagoo mar kale isku dayey in dacwada ay la noqdaan, waxaana arrintaas ka jawaabay Qareenada u doodaya Xisbiga Himilo oo sheegay in Garyaqaanka dowladda laga saaro dacwadda, maadaama uu yahay Garyaqaan si gaara u shaqeyso oo leh Nootaayo, isagoo dowladda u magacaaban.
Fadhigii koowaad ee kiiskan oo dhacay 18-ka bishan Novembar ayaa Maxkamadda Sare go’aamisay in kiiska ay geli karto kiiskan iyadoo laashay is-hortaaggii ka yimid Qareenka Dowladda, laakiin waxaa muuqata in qareenada dowladda u doodaya ay xoogga saarayaan in dacwadan meesha laga saaro.
HOOS KA DAAWO
FADHIGII HORE