Waxaa soo baxaya faahfaahin kale oo ku saabsan sidii loo fuliyay qaraxii weynaa eelala beegsaday Hotelka caanka ah ee Jazeera, magaalada Muqdisho iyadoo dhowaan la baahiyay qofkii ka dambeeyay inuu ahaa Soomaali ka yimid dalka Jarmalka oo ka soo jeeda magaalada Boorame ee Somaliland oo lagu magacaabo C/risaaq Musse Buux.
Wasiirka Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa laga soo xigtay in weerarkaasi ay ku lug leeyihiin dad aan Alshabaab ka tirsaneyn oo gacan ka geystay, dadkaasi oo aanu wasiirku shaacin ayaa lagu ogaaday markii la daawaday kaamerooyin ay leeyihiin xarunta UN-ka ee ku dhow hotelka iyo xarun kale oo laanta socdaalka leedahay kana soo horjeeda Hotelka Jazeera.
Wasiirku oo wareysi siiyay VOA-da laanta afsoomaaliga wuxuu sheegay in warbixinadii ay hore u hayeen ay been noqdeen kadib markii ay daawadeen sidii ay wax u dhaceen oo laga helay kaamerooyinka ku xirnaa xarumaha ku xeeran hotelka Jazeera. Baaritaanka ay wadaan Hay’adda nabad sugidda iyo kooxaha taageeraya ee reer galbeedka ayaa maraya heer gabagabo ah, laakiin Soomaalida gacant ka geysatay arrintan ayaan la ogeyn inay yihiin ciidamo ka tirsan dowladda ama dhinacyo kale.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]