Dadweyne careysan ayaa saaka banaanbax ka wada Muqdisho, kadib dilkii xalay ka dhacay degmada Boondheere, markii askari boolis ah uu laba qof oo shacab ah u dilay Bandow awgiis.
Waxaa mar kale dib u bilowday bannaabax rabshado wada oo lagu xiray wadadda u dhaxeysa Baarlamaankii hore ilaa Isgoyska Jubba, waxaana dadkan oo u badan kuwa xaafadda dilku ka dhacay ay gubayaan taayaro ay ku jareen Wadadda, iyagoo dalbanaya in cadaalad la hor keeno askarigii dilka geystay.
Qaar ka mida dadka bannaanbaxaya ayaa sheegay inaysan weli cid mas’uul ah kala hadlin dilka ka dhacay xaafadda, waxayna sheegen inaysan aasi doonin meydadka dadkii laga dilay iyadoo aan sharciga la horgeynin askarigii dilka geystay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa gaaray Taallada Daljirka Dahsoon, halkaasoo uu hadda kala hadlayo dadka bannaabaxa wada, wuxuuna sheegay in madaxda sare ay go’aan ka gaari doonto bandowga, isla amrkaana askariga dilka geystay maxkamad lasoo taagi doono.