Dad badan ruux ayaa ku dhintay tiro kalena waa ku dhaawacmeen duqeyn diyaarado ciidamada Itoobiya ee AMISOM ay leeyihiin ay u geysteen laba gaari oo ay saarnaayeen dad rayid ah meel lagu macagaabo Doole-doole oo u dhow degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay, halkasoo ahayd koontarool ay Alshabaab Gaadiidka ku baaraan. Dadka dhintay ayaa gaaraya 11 ruux iyo tiro kale oo dhaawac ah.
Dadka dhintay waxaa ka mida haweeney iyo laba caruur ah oo ay dhashay, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee degmada Buurhakaba Xuseen Maankaalow oo intaas ku daray in baabuurta la duqeeyay ay la joogeen xubno Alshabaab ah oo baaritaan ku waday, duqeyntana ay ku dhacday. Wuxuu ku dooday in 5 ruux maahee dadka duqeynta ku dhintay ay yihiin Alshbaab.
Tirada dhimashada ayaa la sheegay inay sii badan karto, waxaana markii danbe goobta tegay sida wararku sheegayaan ciidamo Itoobiyaan ah. Howlgaladda ugu danbeeyay ee ka socda Goboladda Bay iyo Gedo ayaa waxay ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Kenya adeegsanayaan diyaarado dagaal iyo ciidamo dheeraad ah oo aan ka tirsaneyn kuwa u diiwaan gashan AMISOM.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]