Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar, markii ay qabsatay gaari ay dad shacab ah la socdeen.
Laba qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Qaraxa miinada markii uu dul maray Gaariga oo oo ku safrayey waddada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad, Gaariga ayaa ahaa mid qaada alaabta dhismaha ee xamuulka oo ku soo jeeday Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka degaanka Il-baq oo ah meel ay dhowr jeer ay hore ay uga dhaceen weeraro ay Al-Shabaab la beegsadeen baabuurta ay la socdaan mas’uuliyiinta iyo ciidamada Hirshabelle.
Qasaaraha ayaa laga yaabaa inuu sare u kaco, iyadoo ay jiraan dad dhowr ah oo ku dhaawacmay gaariga qarax qabsaday.