Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhashay miino uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay Suuq ku yaalla Degmada Kaaraan, kaas oo lagu magacaabo Suuqa Xerka-dheere. Wuxuu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, iyadoo lala beegsaday Ciidamo halkaasi fadhi u ahayd.
Laba qof oo dumar ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Qaraxa oo qabsaday Maqaaxi ku dhex taalla Suuqaasi, waxaana ku dhaawacmay 3 kale.
Ciidamada Degmada goobta Qaraxa ka dhacay gaaray ayaa baaritaan ka sameeyay goobta iyadoo aanay jirin cid loo qabtay.
Wadani.com