Iska hor imaad galabta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay dhalisay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa isku rasaaseeyay Suuqa Qaadka “Beerta Qaadka” ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegayaa in ciidamada dagaalka dhex maray uu khilaaf dhex maray.
Shan qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen is-rasaaseynta labada ciidan, waxaana ku dhaawacmay dhowr kale. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ila shan qof oo shacab ah ay ku dhinteen goobta oo ay ku jirto haweeney Qaadka iibin jirtay.
Ciidamada dagaalamay ayaa goobta ka tegay kadib markii ay ciidamo kale goobtaasi tageen, waxaana arrintan ay ka mid tahay isku dhacyada dhax mara ciidamada kala duwan ee dowladda.
Wadani.com