Dhowr qof ayaa ku dhintay shil ka dhacay degmada Xamareyne ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu gaari weyn oo xamuul ah oo ciidamadu leeyihiin uu jiiray laba Mooto Bajaaj ay dad rakaab ah saarnaayeen.
Ilaa Laba ruux ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen shilkan oo ka dhacay Agagaarka Hotelka Mediina ee Isgoyska kala qaybiya Degmooyinka Xamarweyne iyo Xamar jajab, sida ay ku soo warrameen dad goobjoogayaal ah.
Dadka dhintay ayaa saarnaa mid ka mida Mootooyinka oo la sheegay inay si xowli ah ku socden iyadoo isku dayey inay dhaafaan Gaariga weyn ee milaterigu lahaa, waxayna dadka dhintay kala yihiin darawalkii mootadda iyo qof kale oo saarnaa, iyadoo ku dhaawacmeen dhowr qof oo kale.
Labada ruux ee shilka ku dhintay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa C/kariin Daahir Xasan iyo Maxamed Sakariye Caydiid, sida dadka goobjoogayaasha ahaa xaqiijiyeen.