Dhow qof ayaa ku dhintay shil Gaari oo ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, kadin markii gaari weyn uu ku rogmaday isgoyska Nasiib buundo.
Gaariga oo ay la socdeen dhalinyaro shaqo ka wada waday dhisme ka socday Garoonka magaalada Muqdisho ayuu la qalibmay gaariga, iyadoo ay ku dhinteen dhintay 3 qof halka in ka badan 30 kalane ay dhaawacmeen.
Shilka ayaa ahaa mid dad badan saameyn ku yeeshay iyadoo Gaarigaoo noociisu ahaa UD ay saarnaayeen in ku dhow 100 qof oo dhalinyarro shaqaale ah. Waxaa u gurmaday dadka degaanka iyo ciidamada ammaanka.
Dhinac kale wararka laga helayo degaanka Garasbaaley ayaa wsheegaya inuu halkaasi ka dhacay shil ay isku dhaceen Gaari Homey iyo Gaari Dameer, waxaana shilkaasi ku dhintay ninkii waday Gaari dameerka.
Wadani