Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in la sii daayay Gaari iyo Shan qof oo la socday oo dhowaan lagu afduubtay degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.
Waanwaan ay arrintan ka galeen Odayaasha dhaqanka labada beelood ee isku heystay Dil hore u dhacay ayaa heshiis ku gaaray in la sii daayo dadka afduubka loo qabsaday, isla markaana mag laga bixiyo qofkii xiisada dhaliyey ee hore loo dilay.
Wararka aya sheegayai n lacag dhan 40,000 Dollar lagu soo daayey shanta qof ee lagu af-duubtay Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan, kadib wadahadal dhex maray labada dhinac ee odayaasha ah.
