Wararka laga helayo Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in qasaare xoog leh uu ka dhashay weerar dabley hubeysan ku qaaday gaari BL ah oo ku socdaalayey degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe.
Shan qof oo qaraabo ahaa ayaa ku dhintay weerarka markii dabley hubeysan ay Gaari nooca HOMEY ah rasaas ku fureen, xilli ay saarnaayeen dad shacab ah degaanka Boos Dacar oo u dhow degmada Warashiikh ee gobalka Shabeelaha Dhexe, waxaase sidoo kale rasaasta ku dhaawacmay dad kale oo gaariga saarnaa.
Dadka degaanka ayaa sheegay in afar ka mida dadka dhintay ay ahaayeen Walaalo iyo qaar ehel hoose ah oo dhimasho iyo dhaawac culus kasoo gaaray weerarka. Waxaa goobtaai tegay Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo ciidamo la socda.
Weerarka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aano qabiil oo dib u soo cusboobaatay. Waxaana la sheegay in darawalkii gaariga oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Shaatax uu ku dhaawacmay.