Booliska Jasiirada Malta ayaa sheegay in baaritaan ku bilaabay shan qof oo lala xiriirinayo shil ka dhacay warshad ku taallo magaalada Marsa ee Malta, halkaas oo uu ku naf-waayay Muwaaddin Soomaali ah markii uu dabaq kasoo dhacay.
Ciidamada Booliska Malta ayaa sheegay in xiray laba nin, lana weydiinaayo su’aalo ku aaddan sababa geerida muwaadinkan Soomaaliyeed, halka ay xuseen in ay la hadleen saddex kale, taas oo ka dhigan in lagu tuhunsanyahay geerida muwaaddinkan, sida uu qoray Warbaahinta dalkaasi.
Axmed Cadaawe Diiriye, 39 sano jir Soomaali ah, ayaa ka soo dhacay dhisme Dabaq oo ah xarun Warshad yy ka sahqeynayey 22-kii Disembar, wuxuuna u dhintay dhaawacii soo gaaray.
Booliska ayaa sheegay in Wiilkan la waayay galabnimadii Isniinta, ee Todobaadkii hore, kadibna dhaawaciisa laga helay Isbitaal aan ka fogeen daartii uu ka soo dhacay.
Booliska Malta ayaa sheegay inay baarayaan in Ninkan dabaqa laga soo tuuray iyo inuu isagoo iska soo tuuray. Ahmed ayaa dalka Malta tegay sanadkii 2005, waxaana la sheegay inuu ahaa nin howlkar ah oo u shaqeysanayey xaas iyo caruur u jooga Soomaaliya.

