Dhowr qof ayaa loo xir-xiitay kiiska naxdinta lahaa ee geerida Sumaya Yuusuf Barkhadle oo shalay meydkeeda laga helay Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.
Baaris lagu sameeyay meydkeeda ayaa la sheegay in tacadi lagu sameeyay, isla markaana la dilay, iyadoo la tuhunsan yahay in sun loo adeegsaday, waxaana hadda kiiska loo xiray dhowr qof oo ka mida shaqaalaha iyo maamulka Hotelka uu falkani ka dhacay, iyadoo weli la raadinayo ninka ka danbeeyay oo hotelka ka baxsaday saacado ka hor inta aan la arkin meydka.
Weriye madax bannaan Amiin Yusuf Khasaaro ayaa kasoo xigtay Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Mustaf Cali inuu falka ka dhacay dilka maxruumad Sumaya Yuusuf Barkhadle ka Dhacay Hotelka Caamir, degmada Howlwadaag Magaalada Muqdisho.
“Waxaa ka mid ahaa Dadkii ugu horeeyey ee Qolka Hotelka uga gala… qaarka sare waa ka qaawaneyd sidoo kale Caloosha waa vararasaneyd, Qolka waxaa yiiley Raashin iyo wax Bac u eg oo aan u maleynayo in Sun ku jirtay …” ayuu yiri Guddoomiyaha H/Wadaag oo sheegay in Kiiska loo xiray 4 qof oo kala ah laba wiil oo deganaa kasoo horjeedka Qolka lagu diley marxuumadda, Masuulkii Hotelka maamulka ka ahaa iyo Nin odey ah oo deganaa qol ku dhow
Waxaa weli baxsad ku jira ninka falkan naxdinta leh lagu tuhusan yahay oo hotelka isaga baxay kadib dilka marxuumadda, waxaana Booliska ay hayaan caddeymo ah in haweeneyda la sumeeyay, markii lagu tacadiyey kadib.
Arrintan oo naxdin weyn dhalisay ayaa si weyn loogu hadal hayaa baraha bulshada, waxaana weli socda baaritaanka qofka ugu weyn ee kiiskan geystay, iyadoo Booliska aysan weli ka hadlin.