Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dad loo xir xiray falkii lagu jabsaday xafiiska Hanti dhowrka guud la sii daayay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dadka loo xirxiray, waxaana wararku sheegayaan in ilaa 4 qof loo xiray oo midkood ay haweeney tahay, ayna ku jiraan ilaalo askar iyo rayid leh.
Dadkii falkan loo xiray ayaa su’aalo la weydiiyay, waxaana la sheegay in dhammaantood lagu sii daayay damiin, iyadoo shuruud looga dhigay inaysan dalka ka bixi karin inta baaritaanku socdo.
Arrinta ku saabsan jabsashada xafiiska hanti dhowrka guud iyo dokumentiyada muhiimka ah ee laga qaatay xaalad ka dhex abuurtay wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska hanti dhowrka oo ku dhex yaala dhismaha wasaaraddaasi ku shaqeyso ee madaxtooyada.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa amray in si buuxda loo baaro arrintan kadib kulan uu xalay la yeeshay Hanti dhowrka Guud Nuur Jimcaale Faarax.
Wadani.com