Wararka laga helayo degmada Afgooye ayaa sheegay in dad shacab ah ay dileen sarkaal ka tirsan kooxda Alshabaab oo degaan hoos yimaada Afgooye madax ka ahaa.
Arrintan ayaa ka dhacday degaanka Sagaalaad ee degmada Afgooye, kadib markii sarkaalkan iyo dadka degaanka uu dhex maray muran ku saabsan ka dhashay markii uu dhalinyaro Turub ciyaareysay ku amray inay joojiyaan ciyaarta, taasoo keentay inuu gacan ka-hadal dhex maro dhalinyarrada iyo sarkaalkaasi ka tirsan Alshabaab.
Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Nageeye oo bistoolad ku hubeysnaa ayaa rasaas furay, waxaana dhacday inay bistoolada kula dhegaan dhalinyaro dhowr ah oo markii ay ka fara maroojiyeen isla goobtii ku toogtay, kuna dilay.
Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inuu AlShabaab ugu magacawnaa Guddoomiyihii tuulada Gaalawar oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana goobta isaga cararray dadkii deganka oo dilka u geystay sakaalka, waxaan goobta tegay maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab.