Wararka laga helayo degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Galabta lagu dilay Magaalada Afar qof oo ka mid ahaa dadka degmada degan.
Dadka Caabudwaaq ku sugan ayaa xaqiijiyay in saddex ruux oo ka mida dadka la dilay, lagu dilay meel ay ku sugnaayeen kadib markii uu rasaas ku furay nin hubeysan oo la sheegay inuu ehel la ahaa dadkan.
Qofka afraad ee isna lagu dilay magaalada degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayaa dilkiisu yimid wax yar kadib markii la dilay saddexda ruux ee hore, iyadoo aan la ogeyn sababta.
Xaalada magaalada Caabudwaaq ayaa la sheegay inay xiisad colaadeed ka taagan tahay, waxaana bilowday dadka qaarkii inay isaga qaxaan magaalada.
Wadani.com