Kulan kale ayaa Galabnimadii maanta dhex maray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Ahlu suna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Kulankan ayaa ka dhacay Guriga Ex. xildhibaan C/samad Macalin Maxamud oo aad ugu dhow kooxda Ahlu suna, waxaana dadaal loogu jiraa in la badbaadiyo waanwaanta laga dhex wado maamulka Galmudug iyo Ahlu suna.
Ahlu sunna ayaa ku adkeysaneysa qodobo dhowr ah oo ku saabsan awood qeybsi dhex mara iyaga iyo Galmudug, waxaana jira qorshe awood qeybsi oo uu soo jeediyay Ra’iisal wasaare Kheyre.
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Galmudug ay ku kala qeybsan tahay wadahadal lala galo Ahlu suna. Ma jiro wax horumar ah oo la shaaciyay in laga gaaray dadaalka ugu danbeeya oo Ra’iisal wasaaraha wado.
Xubno gacansaar la leh Ahlu suna ayaa ku soo biiray dadaalka lagu doonayo in wadahadalka labada dhinac la guda galo, iyadoo Galmudug qeyb ka mida ay doonayaan inay ku dhaqaaqaan doorashada madaxweynaha maamulkooda.
Wadani.com