Qasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay isu soo baxyo aan cidna abaabulin oo xalay iyo maanta ka dhacay magaalooyin badan oo ka mid ah gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya.
Dibad baxyada ayaa bilowday isla markii lagu dhawaaqay inuu doorashada madaxweynaha ku guuleystay Maxamed C/llaahi Farmaajo. Meelaha dadka ku dhinteen waxaa ka mid ah degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galguduud, waxaa halkaas ku dhintay hal qof dhowr qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib rasaas loo furay dabaaldegga Farmaajo.
Magaalada Baydhaba ayaa laba qof lagu dhaawacay, halka degmada Badhan ee Gobolka Sanaag iyaha lagu dhaawacay dhowr qof oo kale, halka Muqdisho ay dhaawacyo ku gaareen dhowr qof, waxayna dhaawacyadu ka dhasheen rasaas si xad dhaaf ah loo riday.
Farmaajo ayaa xalay ka codsaday dadka inay is dejiyaan, wuxuuna ciidamada ku amray inay joojiyaan dab-ridka amarkaas oon la qaadan.
Wadani.com