Dadweynaha Ciraaq ayaa maanta u dareeray doorashada guud ee Baarlamaanka dalkaasi oo ah tii ugu horeysay ee dalkaasi ka dhacay kadib markii dowladda Ciraaq ay ka guuleysatay ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ee la wareegay qeybo badan oo ka mida dalkaasi.
Ra’iisal-wasaaraha haatan talada haya Xayder Al-Cabbadi ayay u badantahay in uu ku guuleysto doorashada balse waxaa loo maleynayaa in uu la kulmi doono loollan adag isbaheyiga kale ee uu hoggaamiyo ra’iisal wasaarihii hore Nuur Almaaliki.
Doorashadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu dalka Ciraaq ku jiro xaalad adag, iyadoo weli la tacaalayo dib u dhiska waddanka, kadib afar sano oo dagaal ay kula jireen ururka Daacish.
Qof kasta oo ku guuleysta doorashadaan ayaa waxa kaloo laga doonayaa in uu mideeyo madhabta kala duwan ee ka jirta Ciraaq, kuwaasi oo iyaguna caqabad ku ah nabadda waddanka.
Ra’iisal-wasaare al- Abadi ayaa lagu aamaanay guusha uu ka gaaray dagaalkii uu kula jiray kooxaha Islaamiyiinta ah iyo amniga oo aad u soo wanaagsanaaday dhammaan waddanka.
Balse dad badan oo reer Ciraaq ah ayaa si aad u dhaliilsan musuquq-maasuqa ka dhex jira dowaldda iyo dhaqaalaha waddanka oo aad u hooseeya.
Doorashadaan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa maalmo uun ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiska nuclear-ka ee Iiraan.
qaar ka mid dadka reer Ciraaq ayaa ka cabsi qaba in mar labaad uu dalkooda saameyn ku yeesho hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan.