AMISOM ayaa shaacisay in dadka Gobolka Shabeelada Dhexe ay ciidameeda ugu deeqeen Lo’, iyadoo uga mahadvelisay deeqsinimadooda.
Deeqdan waxaa saraakiisha AMISOM guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Makaraan, iyadoo ka koobneyd 10 Sac.
“Bulshada Sh/Dhexe ayaa 10 neef oo lo’ ah ugu deeqay AMISOM oo ay ku aqoonsanayaan adeegga iyo naf-hurida ay u sameeyeen.. Waxaan ugu mahadcelinayna ficilka deeqsinimada iyo saaxiibtinimada ay noo muujiyeen shacabka Shabeelada Dhexe” ayay lagu yiri farrriinta AMISOM.
SAWIRRO