Wasaarada Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay dadka cudurka COVID-19 laga helay 24-kii saac ee ugu dambeeyay oo gaaray 34 qof.
Wasiiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa sheegtay in sidoo kale uu hal qof uu u geeriyooday cudurka, waxaana kasoo bogsaday 11 qof, iyadoo tirada guud ee dadka bogsaday gaartay 163 qof.
Kiisaska ugu badan ayaa maanta laga diiwaan geliyay waxaa laga hala helay:
Somaliland: 18 qof
Gobolka Banaadir: 14 qof
Hirshabeelle: 2 qof .
Tirada guud ee dadka qaba cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,455 qof, halka dhimashada guud ee uu sababay xanuunka Corona ay tahay 57 qof.
