Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Rasaas iyo qaraxyo isugu jira loo adeegsaday lagu qaaday Masajid ku yaalla gobolka waqooyiga Sinai ee dalka Masar.
Wararkii ugu danbeeyay ee weerarka ayaa sheegaya in dadka lagu dilay ay gaareen 155 iyadoo dhaawacyna ka badan yahay 120 kale. Weerarkan ayaa waxaa geystay dabley, wuxuuna ka dhacay magaalada Al-rawda ee Galbeedka Al-Cariish, waxaana la sheegay in weerarka uu dhacay iyadoo dadku dhacay xilli ay dadku salaadii Jimcaha ku jireen.
Dalal badan oo caalamka ah ayaa cambaareeyay weerarkan dadkii ugu badnaa lagu dilay, waxaan soo dhacay warar dheeraad ah oo ku saabsan qaabka weerarka u dhacay iyo dableyda geysatay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka masjidka ku tukanayay ay ka mid ahaayeen askar ka tirsan ciidamada dalka Masar. Waxaa lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah, iyadoo Madaxweyne Cabdul Fattax Al Sisi isugu yeeray talisyada amniga.
Illaa iyo hadda lama oga cidda masuulka ka ah weerarkan Jimcaha, waxaana la filayaa inay ka danbeeyaan kooxaha xagjirka ah ee ka howlgala degaankaasi oo raacsan Daaacish.