Dadka uu haleelay cudurka COVID-19 ee uu keeno Coronavirus ayaa dunida oo dhan gaaray in ka badan 2,500,000 (Laba Milyan iyo shan boqol kun) oo qof, iyadoo Mareynkanku hoggaaminayo dunida.
Sida ay muujineyso diiwaangelinta 185 dal laga sameeyay oo ay ururiyeen Wakaaladaha Wararka iyo Jaamacadda Johns Hopkins wuxuu cudurku hadda si weyn ugu faafayaa Mareykabka, Afrika iyo Latiin America, markii uu hore halakeeyay Aasiya iyo Yurub.
Dalka ugu horeeya dadka sida cudurkan ayaa ah Mareykanka oo xilligan la xaqiijiyey inay qabaan dad ku dhow 800,000 qof, iyadoo uu kusoo xigo dalka Spain oo dadka sida cudurka ay ku dhow yihiin 205,000 qof.
Dadka cudurka COVID-19 ka bogsooday dunida oo dhan ayaa gaaraya 607,000. Turkiga ayaa kaalinta 7aad soo galay dalalka ugu horeeya ee dadkoou qaadeen cudurka, waxaana cudurka uu dalkaasi ku dhacay in ka badan 90,0000 qof.
Ilaa iyo hadda waxaa dalka Mareykanka ugu dhintay cudurkan in ka badan 42,500 qof, iyadoo uu si xowli ah u kordhayaan dadka qaadaya cudurka iyo kuwa u dhimanaya.
HOOS KA AKHRISO XOGTA CUDURKA CORONAVIRUS & TIRADA DAL KASTA