Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay kiisas cusub oo cudurka Covid-19 ah, kadib baaritaankii la sameeyay 24-kii saac ee lasoo dhaafay.
48 qof oo cusub ayaa lag helay cudurka Coronavirus iyadoo Jubbaland laga helay 3 Qof, halka Maamulka K/Galbeed markii ugu horeysay laga helay 4 qof, waxaana cudurka u geeriyooday 2 qof oo hor leh.
Tirada guud ee dadka cudurka qaba ee Soomaaliya ayaa hadda gaaray: 528 qof.
Dadka u dhintay ayaa maraya: 28
Halka 19 qof ay ka bogsoodeen cudurka.