Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka ayaa shaacisay tiro cusub oo laga helay cudurka Covid-19 gudaha Soomaaliya.
Warbixinta Wasaaradda Cafimaadka ee maanta 30-ka May 2020 ayaa lagu sheegay in laga helay dad gaaraya 88 qof, iyadoo tirada ugu badan laga helay maamulka Galmudug oo gaareysa 47 qof.
Tirada dadka laga helay cudurka iyo degaannada laga diiwaan geliyey waxay kala yihiin:
– Galmudug: 47
– Somaliland: 29
– Benadir: 10
– Puntland: 2
Waxaa cudurka ka bogsaday 17 qof, waxaana 24-kii saac u geeriyooday hal qof, halka tirada guud laga helay cudurka ay gaareen 1,916 ruux, waxaan bogsaday guud ahaan 327 qof, Waxayna dhimashada hadda gaartay: 73 ruux.
