Ku dhowaad 15 qof ayaa ku dhimatay qarax xooggan oo oo maanta ka dhacay meel u dhow wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ismiidamin ah oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana baabuurkaasi la sheegay in lagu qarxiyey waddada u dhaxaysay Gaashaandhigga iyo Kulliyadda Jaalle Siyaad xilli uu halkaasi marayey taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Axmed Jimcaale Cirfiid oo maanta xilka la wareegay.
Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka la aqoonsan yahay kadib markii ay googo’een dadkii ku dhintay qarixii meesha ka dhacay. Taliyaha ayaa ka badbaaday weerarka ururka al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.
Dadka ugu badan ee  qarxa ku baaba’ay ayaa ahaa shacabka ah iyadoo ay sii kordhayaan qaraxyada iyo amni darrada xilli madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab.
Wadani.com