Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dadka ku dhintay qarax miino oo maanta duhurnimadii qabsaday Gaari BL ah oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho.
Gaari oo ahaa nooca loo yaqaan caasi (Mini Bus) ayaa waxaa saarnaan dad Shacab ah oo u socday tacsi, waxayn miinada ku haleeshay inta u dhaceysa SOS iyo Isbitaalka Xaawa Cabdi, iyadoo dadka saaran ay ka yimaadeen degaanka Jambaluul.
Dadka ku dhintay qaraxa oo haween iyo caruur u badnaa ayaa qaarkood la waayey, waxaana ku dhintay 10 qof, iyadoo 13 kale ay ku dhaawacmeen. Dadka qaarkood axay ahaayeen dad isu dhow oo qaraabo ah.
Alshabaab ayaa miinooyin u adeegsata ciidamada dowladda iyo ATMIS, waxayna miinooyinkaasi ay mararka qaar haleelaan gaadiidka shacabka, sida qarixii maanta oo qasaare xoog leh dhaliyay.
