Wasaaradda Caafimaadka dalka Jabuuti ayaa shaacisay tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalkaasi laga helo cudurka Coronavirus.
Waxaa lagu dhawaaqay in dalka Jabuuti cudurka Covid-19 maanta laga helay kiisas cusub oo gaaraya 83, taasoo ka dhigan, kuwii ugu badnaa ee dalkaasi laga soo weriyo tan iyo intii uu ku dhawaaqay in cudurka laga helay dalkaasi Bishii Maarso 2020.
Tirada guud ee dadka cudurka Coronavirus laga helay dalka Jabuuti ayaa hadda gaaraya 298, waxaa u dhintay laba qof, iyadoo ay ka bogsoodeen 41 qof oo laga daweeyay cudurka.
Jabuuti oo ah dal yar ee Geeska Afrika ku yaalla oo dadka qaba Coronavirus waxay ka badan yihiin dalalka Bariga Afrika, waxaana ku soo xiga dalka Kenya oo ay cudurka sidaan dad gaaraya 208 qof.