Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dagaal Afka ah oo ka dhex Qarxay Madaxweyne Trump iyo Madixii hore ee CIA-da John Brennan

    Dagaal Afka ah oo ka dhex Qarxay Madaxweyne Trump iyo Madixii hore ee CIA-da John Brennan

    August 17, 2018Updated:August 17, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dagaal dhinaca afka aha ayaa ka dhex qarxay Madixii hore ee CIA-da John Brennan iyo Madaxweyne Donald Trump, kadib markii uu Mr. Brennan ka dib jawaab kulul ka bixiyay in lagala noqdo kalsoonida dhinaca galaangalka amniga dlakaasi, isagoo u sabab uga dhigay codsigiisa macluumaadka ee ku saabsan Ruushka.

    Qoraal uu Khamiistii siiyay wargeys ayuu Mr Brennan ku qoray in ololihii Mr Trump uu kaashanayay xukuumadda Moscow si uu ugu guuleysto doorashadii 2016-kii. In lagala noqdo kalsoonida dhinaca galaangalka amniga waxa ay sababeysaa in uu soo fuulo culeys ah in uusan galaan gal u yeelan karin macluumaadka xasaasiga ah ee dowladda.

    Aqalka Cad ayaa sheegay in tallaabadaas ay qaadeen maadaama Mr Brennan ay “Hadalladiisa yihiin kuwo aan lahayn meel loo raaco” isla markaana loo jeediyay “eedeymo caro xoog leh abuuraya”.

    Hase ahaatee Mr Trump ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Wall Street Journal waxa uu ku sheegay in arrintaan uu sabab u yahay codsiga ay waaxda caddaaladda ku dooneyso macluumaadka ku saabsan eedeymaha la xiriira in Ruushka uu fara gelin ku sameeyay doorashadii Mareykanka ka dhacday sannadkii 2016-kii.

    “Waa wax aan suurta gal ahayn,” ayuu Mr Trump ku yiri wareysiga uu siiyay Wall Street Journal isagoo markaas ka hadlayay baaritaannada socda. In kalsoonida lagala noqdo Mr Brennan “waa lagu khasbanaa” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka.

    Mr Trump ayaa sheegay in Mr Brennan iyo “dadkaan” ka tirsan waaxda sir doonka Mareykanka ay hor seedeen su’aalaha la iska weydiinayo fara gelinta Ruushka.

    Mr Brennan waxa uu ahaa agaasimaha hay’adda sir doonka Mareykanka ee CIA-da markii ay soo baxayeen eedeymahaas fara gelinta ah waxaana uu xilka iska casilay markii uu Mr Trump ku guuleystay doorashada.

    Sannadkii la soo dhaafay Mr Brennan ayaa sheegay in codsiga ku saabsan macluumaadka Ruushka uu ahaa mid “si fiican loogu baahnaa” sababtoo ah Ruushku waxa ay si “toos ah u soo fara gashadeen” cod bixinta.

    Madaxweyne Trump ayaa marar badan beeniyay arrimahaas waxaana uu baaritaanka ku tilmaamay “weerar lagu soo qaaday bulshada”

    Warbixinta qoraalka ah ee ka soo baxday xafiiska Mr Trump waxa ay ku muddeysneyd 26-kii bishii July – oo ahayd saddex maalmood ka dib markii ugu horreysay ee uu Aqalka Cad soo gudbiyay fikradda kalsooni kala noqoshada.

    Waxa uu ku sheegay in “beenta uu sheegay” Mr Brennan ay sababtay hadallo ku-tiri-ku-teen ah oo la isla dhex marayo… ayna ugu dambeyn sababi karaan kala qeybsanaan iyo qalalaase”.

    Qoraalka madaxweynaha ayaa waxaa ku qeexnaa in Mr Trump uu sidoo kale ka fiirsanayo in kalsoonida ku saabsan helitaanka macluumaadka lagala noqdo sagaal sarkaal oo kale oo waliba hayay xilal sar sare, kuwaasoo dhammaantood horay u cambaareeyay madaxweynaha.

    Dadka laga fiirsanayo in lagala noqdo kalsoonida ammaanka

     James Comey, agaasimihii hore ee FBI-da

     Sally Yates, ku xigeenkii hore ee xeer ilaaliyaha guud

     James Clapper, agaasimihii hore ee sirdoonka qaranka

     Michael Hayden, agaasimihii hore ee hay’adda amniga qaranka

     Susan Rice, la taliyihii hore ee amniga qaranka

     Andrew McCabe, ku xigeenkii hore ee agaasimaha FBI-da

     Peter Strzok, dambi baarihii hore ee FBI-da

     Lisa Page, qareenkii hore ee FBI-da

     Bruce Ohr, ku xigeenkii hore ee dhanka isku xirka ee xeer ilaaliyaha guud

    Xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga waxa ay arrintaas u cambaareeyeen si xoog leh oo cod dheer ah. Senator Mark Warner oo aqalka odayaasha u matala gobolka Virginia ayaa ficilkaas ku tilmaamay mid dulmi ah.

    Balse qaar ka mid ah sharci dajiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa soo dhaweeyay tallaabadaas, waxaana ka mid ah Senator Rand Paul oo sheegay in uu horay Madaxweynaha ugu booriyay arrintaas.

    Brennan Russia Trump US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMachadka Heritage oo tallooyin ku saabsan siyaasadda Arrimaha dibadda u jeediyay Madaxweyne Farmajo [Akhriso]
    Next Article Madaxweynaha Turkiga oo casuumaad u soo diray Madaxweynaha Somalia (Farmaajo oo ku sii jeeda…)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo