Iska hor imaad hubeysan ayaa caawa fiidkii ka dhacay Suuqa xoolaha, degmada Heliwaa kadib markii ciidamo ka Alshabaab ah ay weerar ku qaadeen gaari ay wateen ciidamo ka tirsan NISA.
Wararka ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay rasaas xoog leh ku bilaabeen gaariga ay wateen ciidamada Nabadsugidda NISA iyagoo dilay hal askari oo ka tirsan NISA, saddex kalena la dhaawacay, kadibna ay baxsadeen dableydii Alshabaab sida uu xaqiijiyay afhayeenka wasaarada Amniga .
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in falkan uu caawa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha oo aanay xaqiijin karin qasaaraha gaaray kooxda weerarka soo qaaday, wuxuuna intaasi ku daray inay ciidamada Ammaanka ku jiraan feejignaan dheeri ah bishan Ramadaan.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan Nabadsugidda ayaa tegay xaafadda Suuqa xoolaha iyadoo baaritaan iyo howlgallo waaweyn ay ka socdaan.
Wadani.com