Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya inuu dagaal culus ka dhacay degaanka Af-urur ee Gobolka Bari, kadib markii Alshabaab weerar culus ku qaadeen Saldhigga ciidamada Puntland.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerar kedis ah oo dhowr jiho ah ku qaadeen saldhig ku leeyihiin ciidamada Puntland, iyadoo weerarku ku bilowday duqeyn Hoobiyeyaal, kadibna dagaal toos ah uu labad dhinac dhex maray.
Dagaalka oo saacado socda ayaa la sheegay in qasaare badan uu geystay, waxayna ciidamada Puntland sheegeen inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab, isla markaana ay meydadkooda daadsan yihiin goobta lagu dagaalamay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay ciidamda Puntland ka dhinteen sarkaal sare iyo saddex askari, halka dhaawacyo soo gareen askar kale oo weerarka uu qabsaday. Dagaalka ayaana weli socda.
Alshabaab ayaa sheegatay weerarka lagu qaaday saldhiga ciidamada Puntland ee degaanka Af-urur, iyadoo aan faahfaahin bizin.
