Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal culus ayaa ka galabta ka dhacay degaanka Cadakibir oo 30 KM Koofur Bari uga beegan magaalada Godinlabe ee gobolka Galgaduud.
Maleeshiyada ayaa Alshabaab ayaa dagaalka culus ku qaaday degaankaasi, kaasoo socday ku dhowaad saacad, waxaana ka dhasay qasaare xoog leh oo labada dhinac kala gaaray.
Ciidamada Galmudug iyo Milateriga Dwoladda Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo maleeshiyada Alshabaab ayaa dagaalka isaga dilay saraakil iyo ciidamo, waxaana dagaalka uu qarxay markii Alshabaab weerar ku tageen degaanka.
Waxaa la xaqiijiyey inuu dagaalka galabta ku dhintay Taliyihii Guutada 13aad Qeybta 21-aad Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari oo kale, kadib dhaawac kasoo gaaray Dagaalka .
Alshabaab ayaa Jimcihii weerar ku qaaday degaanka Baxdo, halkaasoo oo dadka degaanka ay cashar u dhigeen, laguna jebiyey dagaalkaasi.
