Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo maleeshiyada Alshabaab saaka ku qaaday degaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye, Gobolka Sh/Hoose.
Dagaalka ayaa ku bilowday qaraxyo iyo rasaas toos ah oo Alshabaab ku aadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen degaankaasi, waxaana dadka degaanka ay maqleen hub culus oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan, iyadoo Alshabaab ay guulo ka sheegtay dagaalka.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay inay iska caabiyeen weerarka Al-Shabaab, ayna gaariyeen khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Alshabaab ayaa sheegtay inay si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degaanka Sabiid, ayna qasaare xoog leh gaarsiiyeen ciidamada dowladda, kuna qabsaeen Gaadiid iyo Saanado hub ah ka daabusheen deegaanka.
Alshabaab ayaa gudaha u galay deegaanka Sabiid, waxayna goob fagaare ah kula hadleen dadweynaha degaanka, sida lagu sheegay warka Alshabaab.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay Alshabaab isaga baxeen degaanka Sabiid ee duleedka Afgooye ay saaka weerarka ku galeen, waxaana gaaray ciidamo gurmad ah.
