Dagaal culus ayaa ka socda magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasoo qarxay saaka markii ay labada ciidan ay isku fara saareen gudaha magaalada, kadib guluf ay kusoo galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalka oo socda muddo saacado ah ay ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka la wareegeen qeybo ka mida magaalada oo uu ku jiro Saldhigga Booliska, halka qeybo kale ay ku sugan yihiin Ahlu suna.
Dagaalka oo hub culus iyo kan fudud la isku adeegsanayo ayaa la sheegay in kooxda Ahlu suna ay dagaal qaraar kala hortageen ciidamada is-garabsanaya oo aad uga tiro bada, waxaana dhinaca Galmudug laga soo weriyey inay hadda qabsadeen xaafadaha Koonfureed ee magaalada, kadib dagaal cultus oo dhacay.
Dagaalka ayaa hadda ka socda dhinaca waqooyi ee magaalada Guriceel, iyadoo la maqlayo hubka waaweyn iyo rasaas, waxayna labada dhinac ku dagaalamayaan xaafadaha ay ku sugan yihiin Ahlu-suna ee dhinaca Jaamacada iyo Ceel-Cali Faarax.
Qasaare badan ayaa ka dhashay dagaalka oo kala gaaray labada dhinac, iyadoo Ahku suna ay xoojiay aagagga ay ku sugan tahay, waxaana warar is khilaafsan kasoo baxayaan halka uu ku sugan yahay Hoggaaminaya Ahlu suna Sheekh Maxamed Shaakir.
Dagaal kale ayaa laga soo weriyey inuu duleedka Mattabaan ku dhex maray maleeshiyo ka tirsan Ahlu suna iyo ciidamada milatariga dowladda.