Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Dagaal cusub oo Baraha Bulshada ka dhex Qarxay Taageerayaasha Farmaajo iyo Xasan Sheekh

    Dagaal cusub oo Baraha Bulshada ka dhex Qarxay Taageerayaasha Farmaajo iyo Xasan Sheekh

    June 3, 2022Updated:June 4, 20223 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dagaal cusub ayaa Baraha bulshada ku dhex maraya taageerayaasha madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo taageerayaasha Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

    Dagaalkan oo aan qaboobin tan iyo ololihii doorashada ayaa mar kale soo laba kacleeyay markii taageerayaasha Farmaajo ay bilaabeen qorshe ay sheegeen inay Guri ugu dhisayaan Farmaajo oo Hoy la’aan ku heyso Muqdisho, markii uu degay Guri kiro ah.

    Taageerayaashii waaweynaa ee Farmaajo ee Baraha bulshada ka difaaci jiray Farmaajo, isla markaana ku caan baxay aflagaadeynta madaxda kale ee dalka ayaa qorshahan la yimid, iyadoo Farmaajo ula baxay ‘Madaxweyne shacab’ waxayna arrintan soo jiidatay cambaareyn ka timid taageerayaasha madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

    Xalay ayey kooxda Farmaajo baahiyeen Akoono laga furay Bankiyada dalka, kuwaas oo ay ku qoran yihiin magacyada Agaasimihii hore ee Villa Somalia Maxamed C/llaahi iyo Agaasimihii Warfaafnita C/rashiid , waxaana ay bilaabeen qaaraan loo ururinayo Gurriga loo iibinayo ama Muqdisho looga dhisayo Farmaajo.

    Taageerayaasha Xasan Sheekh ayaa si weyn u cambaareeyay tallaabadan, iyadoo ku tilmaamay mid aan loo baahneyn xilligan oo ay dalka abaaro ka jiraan in dadka Soomaalida lacag looga urursado qaab sharci darro ah.

    Xildhibaan iyo Wasiir hore Axmed Macalin Fiqi ayaa yiri: “Waxaan hey’adaha Dawladda ee ku shaqada leh u soo jeedinaynaa in ay ka hortagaan ”ololaha marin-habaabinta ee lagu dhisayo guriga dhibka قصر الضرار” cidda akoonadu magaceeda ku qoran yihiinna sharciga la horkeeno, waayo waxay umaddu la socotaa in ninka magaciisa lagu aruurinayo lacagtaas uu deggan yahay hadda guri ku kiraysan $30 kun”.

    Axmed Fiqi ku dooday in iyadoo ay dalka ay ku habsatay abaaro ba’an oo qiyaastii 6 malyan oo qof la’yihiin asaasiyaadkii nolosha, madaxweynaha qarankuna uu wado dadaalo gurmad loogu raadinayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, inay arxan la’aan tahay in lagu garab furo mashruuca marin habaabinta iyo arxan la’aanta isugu jira.

    Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Cali Yare oo u jawaabay Axmed Macaliin Fiqi ayaa isna yiri: “Mid taageersan in la qabto Xaflad Caleemosaar oo ay ku baxayaan adduun gaaraya 2 Malyuun oo Dolar, oo taageersan Safar maamulo lagu tagayo oo ay ku baxayso 1.5 Malyuun oo dollar. Rag 8 Malyuun oo Dollar Laaluush ku bixiyay taageersan, welina taageersan dad ku eedeysan boob hanti dadweyne, oo taageersan in 50 qof oo taageerayaal ah UK iyo Mareykan laga soo daadgureeyay si ay dowlada ugu mashxaradaan, oo taageersan mashaariic iyo magacaabisyo loo sameystay si gargaarka dadka abaareeysan loo boobo ayaa ku leh maxay Shacabku ugu Mahanaqayaan Madaxweyne Farmaajo?.. Abaartana waa bixineynaa, Abaalkana waa la celinaa”.

    Labadan kooxood ee ku dagaalamaya Baraha Bulshada waxay u baahan yihiin inay joojiyaan ololaha doorashada ee ay weli ku jiraan, loona jeesto gurmadka abaaraha oo xaalad xun maraya, waa in la joojiyaa Xafladaha iyo hantida shacabka ee siyaasadda looga faa’iideysanayo.

    Kooxda cusub ee taageereysa Madaxweyne Xasan Sheekh waxay gebi ahaan is moogeysiinayaan dhaqdhaqaaqa madaxweynaha iyo wax kasta oo uu sameeyo, iyagoo keliga ilaalo ka haya kooxda ay xukunka talada uga adkaadeen ee Farmaajo.

    Dagaalkan wuxuu guud ahaan hareeyay baraha bulsahada oo dhan, waxayna taageerayaasha Farmaajo u muuqdaan inay sii wadaan ololehoodii lagu yiqiin iyadoo Qofnimada Farmaajo ay kala weyn tahay ‘Qaran”-kii, waxaana laga cabsi qabaa inay arrintan soo farageliso Hay’adda NISA, taasoo bilow u noqon doonta isku dhacii ugu horeeyay ee toos ah.

    CBB Farmaajo Guri Farmaajo Muqdisho Xasan Sheekh
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaamulka K/Galbeed oo shaqadii ka joojiyey Guddoomiyihii Afgooye iyo Arrinta sababtay
    Next Article Muxuu yahay ballanqaadka culus ee Qoorqoor ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo