Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu mar kale dagaal ka qarxay Koofurta Gobolka ee hoostaga maamulka Galmudug, kadib markii ay maalmo dhowr ah xaaladu deganeyd.
Dagaalka ayaa la sheegay inay qaadeen ciidamada huwanta ee Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo uu hawada ka taageerayo Mareykanka, waxaana lasoo weriyey inay duqeyn dhinaca hawada ah lala beegsaday Alshabaab ku sugnaa duleedka degaanka Qaycad.
Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtya in dagaalku bilowday markii ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ay weerar ku qaadeen maleeyshiyaadka Al-shabaab ee aagga Qaycad oo muddo la isku hor fadhiyey.
Weerarka saaka ayaa la sheegay in ujeedkiisu ahaa in dhul looga qabsado Alshabaab, iyadoo Galmudug ay dadaal ugu jirto in ugu yaraan Gobolka Mudug laga saaro Alsahbaab, inkastoo dagaalku noqday mid adag.
Ma jiro War madax bannaan oo dagaalka maanta laga helay, waxaana labada dhinac ee halkaasi isku haya ay hore u kala sheegteen guulo.
