Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in rasaas ka socoto Xabsiga weyn ee magaaladaasi.
Duhurnimadii maanta kadib ayaa la sheegay in rasaas laga maqlay xabsiga, taasoo ka dhalatay maxaabiis gadoodsan oo ay is fara saareen ciidamadii ilaalada Xabsiga, markii ay qaar ka mida maxaaibiista oo is ababulay weerarreen ciidamadii ilaalinayey.
Ciidamo badan ayaa la sheegay in loo diray sugidda amniga Jeelka Hargeysa oo weli xaaladiisu kacsan tahay, waxaana la xiray dhammaan wadooyinka gala iyo kuwa u dhow Xabsiga.
Maxaabiista Xabsiga Hargeysa ku jirta ayaa ayaa ka careysan xaaladda ay ku jiraan iyo dhibaatooyinka ku heysta gudaha Xabsiga.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaalada ay hadda degtay, iyadoo shaqaaqadii Xabsiga ka dhacday la qaboojiyey, markii ay gaareen ciidamada gaarka ah ee RRU. Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin iyo saraakiil sare ayaa tegay xabsiga.
