Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu maanta ka qarxay degaanka Xeraale.
Dagaalkan oo daba socda colaad hore halkaasi ugu jirtay ayaa wararku sheegayaan inuu u dhaxeeyo maleeshiyada Ahlu suna iyo kuwa degaanka oo taageersan Galmudug.
Ahlu suna ayaa la sheegay inay duullaan ku qaaday degaankaasi, iyadoo dagaal qaraar oo saacado socday uu halkaasi ka dhacay, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu dagaalka soo cusboonaaday dhaliyay qasaare fara badan.
Colaadan cusub ayaa imaaneysa iyadoo wadahadal uga socdaan magaalada Nairobi maamulada Galmudug iyo Ahlu suna.