Dagaal culus ayaa duleedka magaalada Kismaayo ku dhex maray ciidamada maamulka Jubba oo gacan ka helaya ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan iyo ciidamo duleedka magaalada ku sugan oo ahaa kuwii taageersanaa Barre Hiiraale.
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya iyo dagaalka oo weli socda degaanka Goobweyn la isku adeegsaday hub kala duwan, waxaana weli soo bixin qasaaraha dagaalka.
“Waxaa na soo weeraray maleeshiyada Axmed Madoobe oo taageero ka helaysa ciidamada Kenya, waan iska caabinay dagaalkuna weli waa socdaa” ayuu yiri C/rashiid Macalin Gaas oo ka mida saraakiisha duleedka Kismaayo ku sugan oo intaas ku daray in kooxda Axmed Madoobe ay dooneysa inay tirtiraan ciidamada dowladda taabacsan.
Maamulka Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer ay isku dhaceen ciidamada ku sugan duleedka magaalada Kismaayo iyagoo ku sheega ciidamadaasi inay yihiin Alshabaab.
Dagaalka oo weli socda ayaa faahfaahin qasaaraha ay hadda uun soo baxeysaa…
Wadani.com