Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya inuu caawa dagaal culus ka dhacay magaalada iyo hareeraheeda, kadib dabley hubeysan oo weerar ku qaaday ciidamada Somaliland ee ku sugnaa magaalada.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Somaliland caawa magaalada ku dileen nin dhalinyaro ah oo dadka degan magaalada ka mida oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cali Saadle, arrintaas oo qarxisay dagaalka magaalada oo wararku sheegayaan in maleeshiyo ay gudaha u gashay.
Somaliland ayaa la sheegay inay ciidmadeeda kala baxday gudaha magaalada, waxayna geysay hareeraha magaalada, iyadoo magaalada ay la wareegeen maleeshiyada degaanka oo hubeysan.
Dadka degaanka oo hubeysan ayaa lagu arkayaa magaalada, waxaana markii ugu horeysay ka maqan awoodda maamulka Somaliland oo in ka badna 10 sano gacanta ku hayey magaaladaasi.
