Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu dagaal ka qarxay duleedka magaalada oo xarun u ah maamulka Ahlu suna.
Dagaalkan oo la sheegay inuu yahay mid beeleed ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyo oo isku fara saaray maanta degaanka Mirrig ee u dhow Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegay inuu dagaalku geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu weli ka socdo degaankaasi, mana jirto cid ku baxday si loo joojiyo, waxaana la sheegay inuu ka dhahay dilal aano qabiil salka ku haya oo dhacay deegaanka.
Maleeshiyada dagaalmeysa ayaa iska hal beel kasoo wada jeeda, waxaana tani ay ka mid tahay dhibaatooyinka aan dhammaan ee gobolka Galgaduud.