Iyadoo uu socdo howlgalkii Banadir Beach Restaurant ee xeebta Liido oo ay caawa weerar ku galeen dabley Alshabaab ah ayaa la maqlayaa qaraxyo iyo rasaas.
Ciidamada Ammanka oo qaraxa kadib tegay baarka ayaa dagaal qaraar kula jira dableyda oo hotelka gudaha ugu galay, kadib markii ay qarxiyeen albaabkiisa.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada NISA ay la tacaalayaan dabley laga shakiyay oo hotelka gashay, isagoo faahfaahin kale bixin.
Ciidanka #NISA ayaa hawlgal kawada #BANAADIR_BEECH Dabley laga Shakiyay ayaana Gudaha u Galay Hotelka
— INTERNAL SECURITY MN (@MoIS_Somalia) August 25, 2016
Dad ku sugan xeebta Liido ayaa noo sheegay in Baarka Banadir Beach Restaurant ay ku xayiran yihiin dad badan oo qaarkood dhaawac ah, iyadoo xaaladu adag tahay.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay weerarka Baarka Liido waxayna sheegtay inay adeegsaday gaari la soo miidaamiyay iyo dabley weerar ku qabsaday Baarka.
NISA ayaa xaqiijisay in saddex dabley ah ay gudaha ugu jiraan Baarka oo ciidamada Amniga ay la tacaalayaan. Waxaa la xaqiijiyay in laba haween oo meyd ah ay Baarka dhex yaalaan ilaa iyo hadda.
Waxaa la maqlayaa bambooyinka kuwa gacanta ah iyo rasaas goosgoos u socota, waxaana weli socda howlgalka oo laga cabsi qabo inuu waqti dheer sida ka dhacday weerarkii hore.
Dad laga soo badbaadiyay Baarka
Warar laga soo xigtay warbaahinta dowladda ayaa sheegaya in 20 qof laga soo badbaadiyay Banadir Beach Restaurant oo dableyda ay Alshabaab ay dhimasho iyo dhaawac ka geysteen…
Dabley Nolosha lagu qabtay
Mid ka mida dableydii Alshabaab ee weerarka ku gashay Baarka Banaadir ee xeebta Liido ayaa la sheegay in ciidamada gaarka ah ee NISA ay nolol ku qabteen, waxaan weli socda howgalka ciidamada.
Dableyda la qabtay ayaa ahaa is-miidaamiyaha waday gaariga lagu qarxiyay Baarka oo isagoo dhaawac ah laga helay Gaarigii uu isku qarxiyay.
Wadani.com