Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu dagaal ka socdo magaaladaasi.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo Ciidamo ilaalo u ah guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte iyo ciidamo kal oo uu leeyahay sarkaal lagu magacabo Nuur Dheere, wuxuuna yimid markii ciidamada Guddoomiyaha Gobolka ay yimaadeen goob Jid ah oo u xirnaa sarkaalka ee xaafadda Kooshin.
Sarkaalkan ayay wararku sheegayaan inuu ka horjeedo maamulka Hirshabeelle, isgoo ciidamo u daacad ah u urursaday gudaha magaalada, taasoo keenay inay is fara saareen cidiamada uu watay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Wararkii ugu danbeeya ayaa sheegaya inuu dagaalku weli socdo, iyadoo rasaas xoog leh ay labada dhinac ay is weydaarsanayaan, waxaa laso weriyay inay dad shacab ah ku dhinteen, halka dhaawacyo la gaarsiiyey isbitaalka magaalada Beledweyne.
Hub culus ayay labada dhinac is Wedarsanayaan dagaalkana waa mid weli socda. Dadka magaalada ku sugan ayaa waxaa soo wajahay cabsi ku saabsan rasaasta socota.
