Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inuu saaka dib u bilowday dagaalkii magaaladaasi ku dhex marayey ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamada taabacsan agaasimihii Hay’adda PSF Jen. Maxamuud C/llaahi Diyaano oo diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha Puntland.
Dagaalka saaka ayaa dib u qarxay xili lagu jiray salaadii subax, waxaana mar kaliya magaalada ka bilowday rasaas xoog leh iyo hubka waaweyn oo la isu adeegsanayo, kadib saacado ay xalay magaaladu gashay xaalad degan.
Wararka ayaa sheegaya inay jireen dadaallo nabadeed oo lagu doonayey in xal looga gaaro dagaalka, balse ay xaaladu ku noqotay in dib loogu laabto dagaalkii shalay soo bilowday oo qasaare badan geystay.
Dagaalka ayaa sii xoogeystay, iyadoo uu aad cuslaa sidii shalay, waxaana hoobiyeyaal ku dhaceen dhismooyin badaĆ, kuwaas oo qasaare badan geystay, haddana sababay in dadkii ugu badnaa ay ka barakacayaan magaalada.
Wasiiro ka tirsan maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay la filayaa inay goor dhow ka hadlaan xaaladda dagaalka iyo go’aanka maamulkaasi oo sida muuqda ah in dagaal lagu kala baro.
Ilaa 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana dhaawacyada la xaqiijiyey inay ka badnaayeen 40 kale. Jen. Maxamuud Diyaano ayaa sheegay inay dhinaciisa ka dhinteen askari, wuxuuna sheegay in xaruntiisa lagu soo weerarray.
Shir ay yeesheen madaxda sare ee Puntland, kaasoo uu guddomiyey Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ayaa xalay ka dhacay magaalada Garowe, lamana shaacin wixii kasoo baxay; laakiin Siciid Deni ayaa hore u sheegay inaysan Puntland ka jiri doonin laba ciidan.
