Dagaal xoog leh ayaa saaka dib uga bilowday magaalada Gaalkacyo, iyadoo deryanka hubka waaweyn laga maqlayo galbeedka magaalada.
Wararka saaka laga helayo Magaakada Gaalkacyo ayaa sheegayaan in dagaalka sii xoogeystay, iyadoo labada ciidan ee Maamulada Puntland iyo Galmudug ay qara u saaran yihiin inay galaan dagaal saf balaaran oo saameyn ku yeesha magaalada oo dhan.
Waxaa sii kordhaya baaqyada lagu dalbanayo in dagaalka lagu joojiyo, iyadoo ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu Garowe ku sugan u muuqdo mid ku fashilmay inuu xaaladda wax ka qabto, isagoo howshiisu ku soo loobantay baaq uu kasoo saaro Garowe.
Xaaladda Gaalkacyo ayaa sii xumaaneysa, waxaana hore dadkii deganaa uga barakaceen galbeedka magaalada.
Wadani.com