Dagaal gacan ka hadal ah oo magaalada Kismaayo ku dhex maray laba nin oo ka mida ergada dooraneysa xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka ayaa keenay dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka labada nin ee ergada ka mida  ayaa keenay inay Galabnimadii maanta Tooreey isla dhacaan, waxaana dhaawac halis ah gaaray mid kamida oo u  geeriyooday dhaawicii soo gaaray.
Ninka ergada ahaa ee Tooreyda lagu dilay ayaa lagu magacaabaa C/raxamaan Maxamuud Carab, waxaana dilka geystay Cumar Faarax Ismaaciil Loohaar oo ka mida ergoyinka ku sugan Kismaayo.
Arrintan ayaa ka danbeysay muran xoog leh oo dhex maray labada nin ee ergada ah oo isku beel ka soo wada jeeday, waana shilkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca doorashada 2016.
Wadani.com