Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dagaalka socdo xaafada Silliga ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir
Dadka degaanka ayaa sheeay in dagaalkan uu u dhaxeeyo laba ciidan oo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya, kuwaasi oo isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya dagaalka inuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamadan ay isku qabsadeen dhul halkaasi ku yaalla, taasi oo keentay dagaalka inuu bilowdo.
Dagaalka ayaa hada waxaa uu ka socdaa xaafada Siliga, gaar ahaan qaybta Xigta dhanka Xaafadda Nasteexo, halkaasi oo dhinacyada ay ku dagaalamayaan.
Ciidanka dagaalamaya ayaa u badan kuwa Militari ah, islamarkaana rasaas kala duwan isku adeegsanaya dagaalkooda.
Xaafadaha dagaalka uu ka socdo, ayaa waxa ay u badan yihiin guryo ka sameysan jiingado, waxaana ka bilowday qax